17/11/2025
Sanduuqa Caymiska Shaqo-La'aanta (Unemployment Insurance Fund)
Sanduuqa Caymiska Shaqo-La'aanta waa nidaam lacageed ama barnaamij dowladeed oo loogu talagalay inuu caawiyo shaqaalaha lumiyay shaqadooda si aan ula kac ahayn.
Waa sidee shaqadiisu?
• Lacag Ururinta: Lacagta sanduuqan waxaa lagu ururiyaa qaab canshuur (tax) ama tabaruc khasab ah oo laga jaro mushaarka shaqaalaha iyo/ama ay bixiyaan loo-shaqeeyayaashu (shirkadaha).
• Bixinta Gargaarka: Marka qof shaqaale ah oo horey wax uga bixin jiray sanduuqa uu shaqo-la'aan noqdo, laakiin uusan isagu sababin (tusaale: shirkadda oo xirantay, shaqo yarayn, iwm.), sanduuqan ayaa siinaya mushaarka beddelkiis muddo cayiman.
Ujeedooyinka Muhiimka ah:
• Badbaadada Dhaqaalaha: Waxay siisaa shaqaalihii shaqo-la'aanta noqday dakhli joogto ah oo ku filan inay ku noolaadaan inta ay shaqo cusub raadinayaan.
• Xasiloonida Bulshada: Waxay yareysaa welwelka dhaqaale ee shakhsiyaadka iyo qoysaska, taasoo gacan ka geysata xasiloonida bulshada.
Dib-u-dhaqaajinta Suuqa: Waxay u oggolaataa shaqaalihii shaqada waayay inay waqti ku filan u helaan raadinta shaqo la mid ah tii ay waayeen.
Dalka Somaaliya gormee yeelan doonaaa Sanduuqa Caymiska Shaqo-La'aanta (Unemployment Insurance Fund)?