Somali Technical Vocational Education and Training - TVET Somalia

Somali Technical Vocational Education and Training - TVET Somalia Promoting skills for youth employment, Improving the image and quality of TVET, Strengthening innovation and research,

War-Murtiyeed: Shirka wadatashiga Wasaaraddaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada heer Federaal iyo heer Dowlad gobaleed oo l...
20/02/2024

War-Murtiyeed: Shirka wadatashiga Wasaaraddaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada heer Federaal iyo heer Dowlad gobaleed oo looga hadlaayay horumarinta Barashada farsamada gacanta iyo Tababarada xirfadaha shaqada (BFTX) ee Soomaaliya ayaa Maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay Madaxda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Buslahda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Ee Dowlad gobaleedyada dalka.

Madashan oo socotay muddo seddex cisho ah, waxaa lagu falanqeeyay qobbada kala ah; Mideeynta hannaanka horumrinta barashada Xirfadaha gacanta iyo tababaradda ee (TVET program), Isku-dubaridka halbeegyada kala duwan ee (TVET program), Hubinta habraaca ka jawaabida fursadaha suuqa iyo xoojinta shaqa abuurka.

Xubnaha ka socday dowladd gobaleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si wayn u fallanqeeyay sidii loo daadajin lahaa TVET heer gobal, mid degmo ilaa tuulo iyo Muhiimada uu u leeyahay dalkeenna faham buuxana laga helay.

Ugu dambeyn, shirka waxaa laga soo saaray War-murtiyeedkan.

Kullan aqoon isweydaarsi ah oo lagu ansixinayo warbixinta qiimeynta  xarumaha waxbarashada  farsamada gacanta  iyo xirfa...
29/09/2016

Kullan aqoon isweydaarsi ah oo lagu ansixinayo warbixinta qiimeynta xarumaha waxbarashada farsamada gacanta iyo xirfadaha ee soomaaliya oo maanta ka dhacay magaalada muqdisho, kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan TVET providers ka ,, waxaana la isku afgartay in la horumariyo TVET somalia

Aqoon-is-waydaarsi ku saabsan tayeynta Waxbarashada xirfadaha iyo farsamada gacanta oo lagu qabtay magalada MuqdishoSimi...
07/05/2016

Aqoon-is-waydaarsi ku saabsan tayeynta Waxbarashada xirfadaha iyo farsamada gacanta oo lagu qabtay magalada Muqdisho
Siminaar kaas ama aqoon isweydaarsigaas ayaa waxaa ka faa iideystay dhamaan ururada bixiya tababarada la xiriira farsamada gacanta
Siminaarka oo ahaa mid hal maalin ah ayaa waxa casharada aqoon isweydaarsiga bixinayay Prof James oo u dhashay dalka Kenya,

12/01/2015
Technical and Vocational Education and Training (TVET): Waxbarashada Frasamada Gacanta.Waa dadaal loo galayo sidii tabab...
12/01/2015

Technical and Vocational Education and Training (TVET): Waxbarashada Frasamada Gacanta.
Waa dadaal loo galayo sidii tababaro xirfadeed loogu heli lahaa dhalinyaradeena.
Waa muhiim waxbarashada Jaamacadaha, hayeeshee si dalku dhaqso usoo kabto wuxuu u baahan yahay farsamooyin kalla duwan in la baro dhalinyareedana, si ay u helaan shaqooyinka xirfadahaas
Arinkaas oo looga wadahadlay xafiiska/hoolka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, waxaa kasoo qaybgalay wasaarada waxbarashada iyo wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada, iyo ururada bixiya TVET.

Address

KM5 Street, Makah Al Mukarramah Road
Mogadisho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Technical Vocational Education and Training - TVET Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali Technical Vocational Education and Training - TVET Somalia:

Share