10/06/2026
Qammaamuur h**e, hanjabaado iyo weeraro ay isweydaarsadeen.
Salaan Carrabey wuxu yidhi:
“Seedoow qudh duushaa ka daran xaraf qalloocdaaye
Qoodhaleydu waysugu mudhaa qab iyo Maandhaafe.”
Seed Cawed wuxu yidhi:
“Waan kugu gab odhan sida libaax geel usoo dhacaye
Aayar baan ku googoyn lahaa gacan ma taagteene
Geesaaska dumarkaan ka baqay guriga ii dhawe"
Allahayoow Salaan dhiirranaa, dhaygag bay dilaye.”
Aadan Carab wuxu yidhi:
“Soddon iyo ninkii boqol jiraa seera-dhaaf noqoye
Suufiga Ismaaciil Miriyo saanta Cali Dhuux ah
Nimankaa wadaadku sixraye saarka tumanaaya
Iyana waa socdaan duulna waa sahayan doonaan."
Cali Dhuux wuxu yidhi:
Cad hadhuu carada kaaga dhaco amase ciidoobo
Caqli nimuu ku weyn yahay ma cuno calafka qaarkiise
Anigana caruuraha yaryari wayga caynkaase
*Aadan Carab maxaan ka la hadlaa caaqil baan ahaye.”
Ismaaciil Mire wuxu yidhi:
“Wax atoorku geeskawla baxay eri biciid weyne
Kolkaan Aadan-Carabow sidii aarka kugu yeedho
Ee aan axbaab kugu akhriyo kun iyo aalaaf ah
Ee aan aleen kaa lulaad edebsan doontaaye
'Aabbihii was' labadeenna kii oodda jabiyaa.”
Jiilka danbe sidee isugu hanbjabaan tolow?
Xigasho Ibraahim Baqardhe