18/07/2026
๐ Diiwaangelintu Way Furan Tahay!
Tababarka Diyaar-garowga Suuqa Shaqada (Career Readiness Program)
Ma tahay arday jaamacadeed ama qof dhowaan ka qalin-jabiyay jaamacad oo doonaya inuu isu diyaariyo suuqa shaqada ee maanta?
Berbera Job Center wuxuu kuu qabanayaa tababar bilaash ah (FREE) oo socon doona 3 maalmood, kaas oo lagu baran doono xirfadaha iyo aqoonta muhiimka u ah helitaanka iyo ku guuleysiga shaqo.
Waxyaabaha lagu baran doono:
โ
Fahamka suuqa shaqada ee maanta
โ
Qorshaynta xirfadda (Career Planning)
โ
Sida loo diyaariyo CV iyo Warqadda Codsiga Shaqada (Cover Letter)
โ
Farsamooyinka shaqo raadinta
โ
Diyaargarowga wareysiga shaqada (Interview Skills)
โ
Xirfadaha shaqada (Soft Skills)
โ
Dhisidda sumcadda xirfadeed (Personal Branding) iyo LinkedIn
Yaa ka qayb geli kara?
โข Ardayda jaamacadaha
โข Qalin-jabiyayaasha dhowaan ka baxay jaamacadaha
Shuruudaha:
Ka qaybgalayaashu waa inay soo gudbiyaan caddeyn muujinaysa jaamacadda ay ka tirsan yihiin ama ay ka qalin-jabiyeen, sida:
โข Warqad ka timid jaamacadda
โข Ama shahaadada qalin-jabinta sawir ah.
โข
๐ Iska diiwaangeli adigoo buuxinaya Google Form-kan:
[https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSf5rZ09gWhPoeFKHrMet8WTPLhqd4CpeSnR_i_gQNkyskL10g/viewform?usp=publish-editor]
๐
Diiwaangelintu waxay xidhmaysaa: 25 July 2026.
๐ข Fiiro gaar ah: Taariikhda rasmiga ah iyo goobta lagu qabanayo tababarka waxaa la shaacin doonaa marka la soo gabagabeeyo diiwaangelinta lana xaqiijiyo diyaar-garowga.
Boosasku waa xaddidan yihiin, sidaa darteed iska diiwaangeli ka hor waqtiga k**a dambaysta ah.
Berbera Job Center
"Waxaan dhiseynaa dhalinyaro u diyaarsan suuqa shaqada."