Nasteh wali dalab page

Nasteh wali dalab page ethopia

22/01/2026
04/01/2026

Tixdii (Awliya Allay adeeg) oo qoraal ah, waxa leh, Alle cimriga ha u dheereeye abwaan Cabdi Aadan Xaad "Cabdi Qays".

1-Cabdiqaadiroow
2-Calan awliyaadoow
3-Isaxaaqa cidhifkiyo
4-Badda ceerigeedoow
5-Waad culus tihiine
6-Awliya allay adeeeeg

7-Cashiiradii Nabiga iyo
8-Cabdilaahigii uu dhalay
9-lyo cabdul mudalib iyo
10-Cadkii u ka soo go'ay
11-Sayid caliyo faaduma
12-Caa'iladii rasuulkaay
13-Waad culus tihiine
14-Awliya allay adeeeeg

15-Cabaabakar sadiiqoow
16-Cismaan bin cafaanoow
17-Cumar bin khadaaboow
18-Caalimiintii diintee
19-Caabiyay kufaartoow
20-Waad culus tihiine
21-Awliya allay adeeeeg

22-Cisigii birsuug iyo
23-Axmad badawga caankaa
24-Rufaacida cadceed iyo
25-Shaadali cawaaloow
26-Waad culus tihiine
27-Awliya allay adeeeeg

28-Caydaruuska cadan yaal
29-Kii cano iyo nabad
30-Cirku u u da'ayoow
31-Waad culus tihiine
32-Awliya allay adeeeeg

33-Sheekh uwayska ciidiyo
34-Cisho xaramka loo baxay
35-Laga celiyay xaramkee
36-Nabigii cuskadayee
37-Cududii rasuulkiyo
38-Nabi lagu casuumoow
39-Waad culus tihiine
40-Awliya allay adeeeeg

41-Suufiga cawadalee
42-Xamar cidhifyadeediyo
43-Cideeda yaaloow
44-Muqdishiyo colkiisiyo
45-Cidankiisa wadan jiray
46-Wuxuu carabka saaraba
47-Cadaan loo arkaayoow
48-Waad culus tihiine
49-Awliya allay adeeeeg

50-Laba muxumad iyo cumar
51-Cayngal yo saylici
52-Xabaashii bustaaliyo
53-Sheekh cabdicasiisoow
54-Waad culus tihiine
55-Awliya allay adeeeeg

56-Barkhadkii cadaystee
57-Cirirkuu bacayr waday
58-Dhulka cidhif la gooyee
59-Caynaanshay diintoow
60-Ceelkii hargaysiyo
61-Madarka cuurta yaaloow
62-Waad culus tihiine
63-Awliya allay adeeeeg

64-Sheekh cali bahaa'oow
65-Sheekh abu calwaanoow
66-Cadradii nafiisiyo
67-Cali bayle iyo nuur
68-Sheekh nuur xuseenow
69-Waad culus tihiine
70-Awliya allay adeeeeg

71-Sheekh cabdisalaan iyo
72-Cali guure iyo nuuri
73-lyo Cabdi ayuub iyo
74-Culimadii galbeedkaay
75-Waad culus tihiine
76-Awliya allay adeeeeg

77-Sheekh muxamad caliyoow
78-Axmed sacadadiinoow
79-Sheekh muxamad siraadoow
8

 ; DDS oo joojisay cashuurta dagma waliba laga canshuurijiray ganacsiga marka dagmo kale laga soo canshuuro hada ma jiri...
21/05/2025

; DDS oo joojisay cashuurta dagma waliba laga canshuurijiray ganacsiga marka dagmo kale laga soo canshuuro hada ma jiri doonto meel kale ama degmo kale oo lagu canshuuri karo waa qodob kamida Awaamiir Loo baahnaa oo Xukuumadu soo saartey Kaasoo la xiriira Ganacsiga

Waxbarasho yuu ku fiicna
09/05/2025

Waxbarasho yuu ku fiicna

Dalalka ugu dadka badan dunida
05/05/2025

Dalalka ugu dadka badan dunida

Cadadlay laba wakhti oo kala qurux badan
03/05/2025

Cadadlay laba wakhti oo kala qurux badan

21/04/2025

Suldan Cali Saafi & Dhimashadii Xaaskii Xayle Selassie!

Qaar kamid ah madaxda dhaqanka gobolka Soomaalida Ogadenia ayaa lagu martiqaaday inay ka soo qayb-galaan baroor-diiqdii xaaskii Xayle Selassie oo geriyootay 1962.
Odayadu waxay xidhiidh la lahayeen dawlada iyo Xayle Selassie sidadarteed way la qumanatay inay aqbalaan martiqaadka balse waxaa ku adkaatay waxa ay goobta ka odhan lahayeen. ileen waa Xaajo ugub ah in qof gaala looduceeyo ama eebe wayne loo Naxariis loowaydiiyee"
Iyaga oo aad u walaacsan ayuu mid kamid ah madaxdii dhaqanku codsaday in xujadan isaga loo daayo. Intii kalana, iyaga oo yaaban, way aqbaleen.
Odaygaas wuxuu ahaa , Eebe ha naxariisto ee.
Suldaanka, oo ahaa, qof caqli u dhashay ayaa markii madaxdii dhaqanka Soomaalida loo yeedhay soo istaagay.
Wuxuu hadalka ku bilaabay: Illaahow itiyo Menen waxay ahayd xaaskii boqorka, boqorku wuu jeclaa, Illaahow waxa ka baryaya inaad camalkeedii uun ku abaal-marisid, waxbana ha ugu darin, waxna haka dhimin.
Suldaan Cali xujadii madaxdii dhaqanka wuu ka furtay. Si xikamad ku jirto ayuu madashii uga muuqday - duco iyo habaar toona ma sheegin.
Waxaan qisadan ku keenay in caqli iyo taxadar ay u baahan tahay sida loo wajahayo xujooyinka la xidhiidha dadka gaalada ah ee dhinta.

Qoraal uu Qoray Hirad" ayaan kasoo qaatay Badhkii uu kaga jiray Awoow Suldaan Cali Saafi" allaha ka raali noqdee.

Address

Jijiga

Telephone

+251910143500

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nasteh wali dalab page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share