Mohamed Omer

Mohamed Omer Akhyaarta sharafta leh waxaad kusoo dhawaataan
Page kayga khaaska ah aniga oo ah Mohamed Omer.

10/11/2024

Ina cagjar oo aad ugu faraxsan guryaha laamiga jijiga kuyaala ee la dumanayaa la iisoo sheegee, Tolow guryahaa ma xaafadii baa ubadan ifahanoo?

10/11/2024

MAXAA INA CAGJAR XUKUMKA LOOGA QAADI LAYAHAY IYO CADAYMO DOCUMENT SIR AHAA OO AY Karamara TV SOO HESHAY.

Faahfaahinta warkan hoos ka daawo.

MAXAA WIILASHA LOO SHIRQOOLAY?Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in saddexdii wiil ee ilmaadeerka...
09/11/2024

MAXAA WIILASHA LOO SHIRQOOLAY?

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in saddexdii wiil ee ilmaadeerka ahaa ee deegaanka haystay ciidamadii ay sheegeen inay Jubalanda ka soo kaxaysteen ee ay qaraabada ahaayeen xabsiga loo taxaabay iyadoo su’aalo lagu waydiinayo halkaas. Wiilashan ayaa lagu eedeeyay in si qabyaaladaysan loogu daray ciidanka booliska deegaanka, iyagoo la siiyay darajooyin waaweyn oo aan sal iyo raad toona lahayn, taas oo dhalisay shaki iyo dood adag oo ku saabsan sababta ciidankan loogu daray booliska deegaanka.

Laamaha amniga ee dalka ayaa ku jira baaritaan ballaadhan oo ay ku hubinayaan taariikhda iyo asalka ciidankan, iyagoo doonaya in la ogaado sida ay ku yimaadeen, halka ay kayimaadeen, iyo waliba nidaamka ay ciidanka ku galeen? Tani waxay laamaha amniga ka dhex dhalisay dood xooggan iyo shaki!

Wararku waxay intaa ku darayaan in Madaxweynaha deegaanka Somali, Mustafe Cagjar, markii wax laga weydiiyay arrintan uu ku jawaabay inuusan waxba kala socon, isagoo sheegay in su’aalahan la weydiiyo Taliyaha Booliska deegaanka, Gafaydhe (Orgi-mirqaamay). Jawaabtaas ayaa abuurtay su’aalo dheeraad ah oo ka dhex dillaacay laamaha amniga ee federaalka, iyadoo dad badan isweydiinayaan cidda dhab ahaantii mas’uul ka ah go’aamada la xidhiidha shaqaalaysiinta iyo darajo bixinta ciidanka.

Wixii warar dheeraad ah ee arrintan ku soo kordha, halkan kala soco.

09/11/2024

CIILKA & CUQDADU GOORMAY KA DHAMAAN INA CAGJAR?

Dambiilayaasha Ree Cabdile ka hadhi mayno ee sharcigaanu hor keeni.
Laakiin dambiilayaasha reerkayagu waa macsuumiin oo waa lacafiyay waa caqliga maangaabka ina cagjar uu dadka lasoo hor istaago.

Midna iga hoo, lix sano waxaad adoo madaxwayne ah qabsan kari wayday ma u malayn marka kursiga lagaa qaado inaad qaban karto?

Ciilkaa iyo cuqdadaa kuhaysa waad la god gali ee aamin.

Ninka sawir cabdi yare soo dhigay sadex habeen ka seexan waayay miyaa rag iska celin kara?

09/11/2024

INA CAGJAR OO KA XANAAQAY MAR LA WAYDIIYAY MAXAAD GETACHOW REDA SAWIR ULA GASHAY.

"Waa bislaansho la'aan siyaasadeed iyo su’aal liidata in la yidhaahdo hebel hebel muxuu hebel u ag fadhiistay oo sawir ula galay!" Sidaas waxaa yidhi Ina Cagjar mar la waydiiyay sababta uu Getachew Reda, oo ka mid ahaa dadkii gumaaday shacabka Soomaaliyeed, u ag fadhiistay oo sawir ula galay.

Hadalkaas oo kale ayuu isla shalay shacabka deegaanka la hor yimid mar uu balaadhibta hospitalka Godey hadal ka jeedinayn!

Marka la eego bislaansho la’aanta siyaasadeed ee uu ku eedaynayo dadka kale, miyuusan isagu ku fashilmin siyaasadda marka uu shacabka la soo hor istaagayo hadalo sidan oo kale ah? Mise shacabka wuxuu u haystaa dad aan waxba fahmi karin?

08/11/2024

BEENAALE ILEEN ISMA XASUUSTO!

Munaafaqu dhagahiisa iyo afkiisu isma maqlaan ayaan maqli jiray! Ina cagjar kuwaa aad sheegaysid markay sawirka la galaan waa dambi, laakiin adigu markaad isla sawirayso oo macal deegaankoo macaluul loogu dhimanayo aad malaayiin lacaga jeega ugu qoraysay dambi ma aha ee ficil khauraad ayaad samaynaysay??

War ilmaadeerayaal aan idin waydiiyee nin nin sawir lagalay iyo nin sawir iyo lacag isugu daray keebaa dambi badan?

Jawaabta idinkaan idiin daayay!

SARAAKIISHII JUBALAND MIRQAANKA LAGAGA KEENAY MEEL IIGU SHEEGA?Ciidankii mirqaanka uu gafaydhe kudhisay shanqadhoodii go...
08/11/2024

SARAAKIISHII JUBALAND MIRQAANKA LAGAGA KEENAY MEEL IIGU SHEEGA?

Ciidankii mirqaanka uu gafaydhe kudhisay shanqadhoodii goormaa idiinku dambaysay?
Aan idinka daba geeyee, garaadihii bakhaarkii ayaa lagu celiyay, iyagoo labisan oo dambana arkimaysaan!!!

Rag badan Badan oo uu Orgi mirqaamay ka koowyahayna xaaladooda kawar haya? Tolow ma boosaasay ubaxsan doonaan?

08/11/2024

Waa cuqdadii oo shakhsi ah.

07/11/2024

DAWLADA INA CAGJAR MA SOMALIDA UNBAY XUKUMI TAQAANAA?

Inkasta oo aan soo dhoweynayo in cid kasta oo dil gaysata la hor keeno sharciga oo cadaalada lamarsiiyo, haddana waxaa iga daadegi la’ sida maamulka Mustafe Cagjar uu ugu kala eexanayo dambiilayaasha ka soo kala jeeda Soomaalida iyo qowmiyadaha kale.

Sida la wada ogsoon yahay, waxaa jiray askari federaal ah oo ku dhex toogtay garoonka diyaaradaha ee Jigjiga gabar xildhibaanad ah iyo dad shacab ah oo kale. Askarigaas waxaa qabtay ciidanka booliiska deegaanka, laakiin ilaa hadda cadaalad ma aysan helin ehelkii xildhibaanad Juwauria oo uu askariga federalka ah dilay. Mustafe ayaa ballan qaaday in cadaalad la hor keeni doono askarigaa, balse ficil muuqda laguma dhaqaaqin. Waxaa laga yaabaa in sababtu tahay jileec isaga iyo xukuumadiisa heysta, iyadoo ay ka muuqato iska dhaadhicinta qowmiyadaha kale, taasoo keentay inay awoodi la’yihiin in ay sharciga mariyaan askarigii shacabka dhibaateeyay oo weliba xabsiga ku jira.

Intaas waxaa dheer afar nin oo ka soo jeeda qowmiyadaha kale oo loo haysto inay kufsadeen kadibna dileen gabadh yar, iyagoo gacanta lagu hayo, hase yeeshee, ehelkii gabadhaas wali ma aysan helin wax cadaalad ah. Waxaa jira sidoo kale kiisas kale oo dilal ah oo qowmiyadaha kale gaysteen, balse aan la marin cadaalada ilaa hada dadkii dilalkaa gaystay, sababtu waa inay yihiin qowmiyadaha uu mustafe iska dhaadhiciyo!

Haddaba, miyayna ahan in aan is weydiino in cadaaladda ka jirta deegaanka aan loo sinayn?

Su’aalahan culus waxay u baahan yihiin jawaabo rasmi ah si loo xaqiijiyo in sharciga iyo cadaalada loo simanyahay.

Intuu Ina cagjar deegaanka yimid Jijiga todobaadkii ama bishiiba ilma lasoo tuuray ayaa lahelaa!!Ma isdhihi karnaa macaa...
07/11/2024

Intuu Ina cagjar deegaanka yimid Jijiga todobaadkii ama bishiiba ilma lasoo tuuray ayaa lahelaa!!
Ma isdhihi karnaa macaasidii ayaa jijiga kusiyaaday intii ay xukuumadan timid.

Mise gaajadaa gabdhaha looga faaiidaysanayaa??

07/11/2024

Jijiga waxaa ka dhacday dabaqaaga & meheradaha ku yaalaba dumi magdhawna kuuma idiinma hayno!!
Taas waxaa ka siidaran lacagta lagu duminayo adnku iska bixiya ayay dheheen! Yaab.

Address

Addis Ababa
1000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Omer posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share