06/09/2026
Intii u dhaxaysay 31-ka Ogosto ilaa 2-da Sebtembar 2026, wafdi ka kooban afar xubnood oo ka socday SARA ayaa magaalada Mombasa, Kenya uga qayb galay shir muhiim ah oo looga hadlayay dhismaha Urur Goboleed ay ku mideysan yihiin hay’adaha iyo ururrada shaqaaleysiinta ee dalalka Geeska Afrika iyo Bariga Afrika.
Shirka waxaa martigelisay hay’ad ka dhisan dalka Kenya, iyadoo kaashanaysa Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO). Waxaa kulanka ka soo qayb galay wakiillo ka kala socday Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, Uganda, Tanzania iyo Koonfurta Suudaan.
Ujeeddada ugu weyn ee kulanka waxay ahayd in la dhiso hannaan iyo urur goboleed mideeya dalalka gobolka, si loo xoojiyo iskaashiga, wadaagga khibradaha, horumarinta adeegyada shaqaaleysiinta iyo kobcinta fursadaha shaqo ee bulshada.
SARA waxay Soomaaliya uga qayb qaadatay si firfircoon, iyadoo kaalinteeda lagu muujiyay natiijooyin muhiim ah. Soomaaliya waxaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka, halka sidoo kale hal xubnood oo SARA ka tirsan loo doortay Guddiga Yagleelidda (Founding Committee) ee ururka cusub.
Ka-qaybgalka SARA wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay noqoto xubin firfircoon oo door hoggaamineed ka qaadata dhaqdhaqaaqyada iyo iskaashiga shaqaaleysiinta ee Geeska Afrika.
Kulankan wuxuu SARA u yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka hay’adaha shaqaaleysiinta ee gobolka, is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha, iyo abuurista fursado cusub oo ku saabsan suuqa shaqada iyo shaqaaleysiinta.
SARA – Iskaashi, Shaqo Abuur iyo Horumarinta Suuqa Shaqada Geeska Afrika.