18/07/2026
Hambalyo Dowladda Federaalka Soomaaliya
Ururka Soomaaliyeed ee Wakaaladaha Shaqo-qorista (SARA) wuxuu si weyn u soo dhoweynayaa magacaabista Guddiga Qaran ee Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka, oo uu dhisay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Tallaabadan waxay muujinaysaa sida ay Dowladda uga go’an tahay horumarinta xirfadaha, hagaajinta nidaamka suuqa shaqada, kobcinta shaqo-abuurka, iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo waaxda gaarka loo leeyahay.
SARA waxay aaminsan tahay in guddigan uu door muhiim ah ka qaadan doono:
✅ Horumarinta xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed.
✅ Isku xirka baahida suuqa shaqada iyo tayada xirfadaha.
✅ Kobcinta shaqo-abuurka gudaha iyo dibadda.
✅ Horumarinta nidaam hufan oo shaqo-qoris iyo socdaal shaqo oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.
SARA waxay diyaar u tahay inay si buuxda ula shaqeyso Guddiga iyo dhammaan hay’adaha ay khusayso, iyadoo ka faa’iidaysanaysa khibraddeeda ku aaddan shaqo-qorista, socdaalka shaqaalaha, iyo hirgelinta mabaadi’da shaqo-qoris hufan (Fair Recruitment).
Waxaan rajaynaynaa in tallaabadan ay horseedi doonto fursado shaqo oo waara, koboc dhaqaale, iyo mustaqbal ifaya oo ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan.
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚
Muqdisho, 18, Luulyo 2026:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddi heerkiisu sarreeyo oo qaabilsan horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka.
Gogol-xaadhka hawsha guddigan, oo muddo sanad ka badan ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana ay wadeen guddi-hoosaadka Shaqo-abuurka Qaran, ayaa hadda soo gaartay waqtigii dhaqangelinta.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo cuskanaya qodobka 120-aad ee Dastuurka JFS, isla markaana eegaya muhiimadda ay leedahay dardargelinta xirfadaha, shaqo-abuurka, nidaamyada hagaajinta suuqa shaqada, iyo abuurista fursado dhaqaale oo lagu horumarin karo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka.
Guddiga ayaa ka kooban Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo 13 wasaaradood oo udub-dhexaad u ah hawlaha xirfadaha iyo shaqo-abuurka.
- DHAMMAAD –
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRW
E-mail: [email protected]
Tel: +252 771 770 958
Facebook: https://www.facebook.com/OPMSomalia
X (Twitter): https://x.com/somalipm
Flickr: https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Instagram: https://www.instagram.com/opmsomalia
YouTube: https://www.youtube.com/
Website: https://www.opm.gov.s