15/07/2026
TABABAR ONLINE AH OO SI BUUXDA LOOGU MAALGELIYAY OO LOOGU TALAGALAY DADKA AFRIKAANKA AH
Waxaa hadda furan codsiyada Barnaamijka Tababarka Xirfadaha Dijitaalka iyo Ganacsiga Afrika ee 2026, kaas oo ay iska kaashanayaan AU CIEFFA iyo ImpactHER.
Tababarku wuxuu si buuxda uga dhacayaa Online, waana bilaash dhammaan ka qaybgalayaasha.
Yaa codsan kara?
* Dhallinyarada Afrikaanka ah
* Haweenka iyo ragga
* Ganacsatada
* Macallimiinta
* Dadka doonaya inay bilaabaan ganacsi
* Hoggaamiyeyaasha ganacsi ee soo koraya ee ka socda dalalka Afrika
Qaybaha tababarka
🔹 Xirfadaha Dijitaalka
🔹 Ganacsiga iyo Hal-abuurka
🔹 Maareynta Dhaqaalaha Shakhsiyeed iyo Ganacsiga
🔹 Sinaanta Jinsiga ee Waxbarashada
Faa’iidooyinka aad heli doonto
🔹 Xirfado dijitaal oo casri ah oo si toos ah loo adeegsan karo
🔹 Aqoon ku saabsan ganacsiga iyo horumarintiisa
🔹 Xirfado maareynta dhaqaalaha
🔹 Qalab kaa caawinaya inaad hesho shaqo ama aad kobciso ganacsigaaga
🔹 Fursad aad kula baranayso ka qaybgalayaal ka kala socda dalalka Afrika
Qaabka tababarka
💻 Online
Wakhtiga k**a dambaysta ah ee codsiga
📅 31 Luulyo 2026
Goorta uu tababarku bilaabanayo
📅 31 Agoosto 2026
Eg Hashi Abdi Hashi✍️
ka faaiidaysi wacan ☝🏿